Waynaanta baaxada deegaanada Garxaajis ayaa u sababa magacyada badan, sida Garxaajis bari, Garxaajis galbeed iyo Baha Garxaajis.
Sidaa awgeed Garxaajis waxay mudan yihiin in lagu tex geliyo miisaanka ay ku leeyihiin geeska Africa.
Taariikhdu waxay ina bartay in uu Garxaajis ka mid yahay beelaha uugu nabada jecel geeska Africa, taas waxaa markhaati ka sida ay mar kasta u daneeyaan nabad ku wada noolaanshaha beelaha kale ee ay deegaan ahaan isa soo gaadhaan.
Dhamaan mudanta iyo haldoorka Garxaajis waxaa la gudboon in uu mid kasta oo ka midi xidhiidh la sameeyo mudanta kale ee Garxaajis ka hor intaanu arin wada khuseeya kaga hadal war baahinta, taasi waxay meesha ka saaraysaa in ay mudanta Garxaajis soo bandhigaan erayo aan is waafaqsanayn.
Ma jirto cid uu Garxaajis weerar ku yahay ama cadaawad gaara uu u qabaa, waxaanu nabad uugu baaqayaa cid kasta oo ay xurgufi xagooda ka jirto, hase ahaatee Garxaajis mar kasta wuxuu diyaar u yahay difaaca deegaanadiisa iyo bulshadiisa.
Dhamaan bulshada Garxaajis ee ka midka a dalwaynaha Ethiopia waxay u hogaansanyihiin qawaaniinta iyo shuruucda wadankooda Ethiopia.
Sidoo kale Dhamaan bulshada Garxaajis ee reer Somaliland waxay mar kasta oo ay colaadi timaado naf iyo maalba u hurayaan wadankooda iyo dadkooda Somaliland.
Waxaan ku talin lahaa in la fahmo in uu Garxaajis yahay rukun ka mida rukunada ay Somaliland ku taagantahay sidaa awgeed laga daayo qorjo qorjaynta.
By Cabdilqadir Ismaaciil Geelle
oo ka mida aqoonyahanka iyo indheer garadka ummada.