Weerarrada lagu hayo warshadaha biyaha macaaneeya ee Khaliijka oo gobolka ka dhigaya mid aan lagu noolaan karin

Markii hore waxaa la garaacayey warshadaha sifaynta batroolka, hadda waxaa la garaacayaa kuwa biyaha dhanaan macaaneeya iyo kuwa korantada ee Kuwait.
Taasi waxay waxay walaac ku abuuraysaa dadka, waayo tan iyo markii uu dagaalka billowday dalalka khaliijka waxay dhibaato ka soo gaartay aargoosiga Iiraan.
Qaybtan ka midka ah bariga dhexe waa dhul oomane ah, waxayna ku tiirsan tahay korantada yio wasrshadaha biyaha badda macaaneeya, taasoo ah 90% biyaha la cabo. Haddii taa la waayo khaliijku wuxuu noqonayaa meel aan lagu noolaan karin, waana welwelka ugu weyn ee haysta hogaamiyeyaasha gobolka.
Muddo waxay dalalkaas yaryar ku naaloonayeen inaysan qayb ka ahayn dagaallada ka jira qaybo kale oo bariga dhexe ka tirsan, laakinse hadda arrintu sidaa wey ka duwan tahay





