Weriye Jiglan oo la sii Daayay Raaligelina ka Bixiyay Warkii lagu Xidhay

Hargeysa(Qaran news)- Weriye Maxamed Ismaaciil Jiglan ayaa xoriyadiisii dib u helay kadib markii uu toban maalmood ku xidhnaa Hargeysa.

Wuxuu u magadceliyay Xildhibaan Raamboo, Khadar Macalin Deeq iyo dadkii ka hawlgalay sii dayntiisa.

Maxamed Jiglan wuxuu raalugelin ka bixiyay warkii lagu xidhay ee ahaa in dalka Jabuuti ay dalkooda soo saareen danjirihii Somaliland Cabdufataax Siciid Axmed, taasi oo uu ku baahiyay bartiisa facebook. Iyadoo haba yaraatee warkaasi aanay waxba ka jirin.

Mr. Jiglan wuxuu sheegay inuu dawladaha Somaliland iyo Jabuuti ka raaligelinayo warkaas uu baahiyay oo uu tilmaamay in qofka khalad uu ka dhici karo.

Sidoo kale wuxuu ammaanay ciudanka booliska oo uu sheegay inay ula dhaqmeen si wanaagsan.