Wanaagana aan Sheegno …..

Wiigan hadda ina dhaafay iyo kii ka horeeyey laba talaabo ayaa xaga saxda ah loo qaaday. Weliba waa laba arrimood oo markaad dhinac ka eegto iskaabaya.
Wiigii hore bankiga dhexe ee uu hogaaminayo Dr Ali A Dahir ayaa ku guulaystay xakamaynta sarrifka ama xasilinta qiimaha shillinka isagoo ku shaqeeyey siyaasadii suuqa xorta. Lacagta shillinka ee suuqa siyaadada ku ahayd ayuu suuqa ka xareeyey iyadoo ay dadka qaarkii si kulul ugu doodayeen in dhanka kale wax loo wado oo lacag shillin ah la rabo in suuqa lagu soo qarqiyo. Balse madaxda bankigu jihadii saxda ahayd ayay u dhaqaaqeen oo waxay dalka ka badbaadiyeen qalalaase runtii sababi lahaa inay kumanaan danyar ahi ku waayaan ganacsigoodii sarrifka lacagaha. Waa arrin mudan in lagu bogaadiyo kooxdaa uu Dr Ali madaxa ka yahay.
Talaabada kalee togan ayaa ah shirkan ay doraad yeesheen madaxda labada xisbi qaran ee Kulmiye iyo Waddani ee ay ku yeesheen madaxtooyada. Kulankan ayaan si wayn looga faalloonin iyadoo laga yaabo inay u sabab tahay kalsoonida lagu qabo geedi-socodka siyaasada dalka siiba kalsoonida dhallinyarada isticmaasha baraha bulshada ayaa hoos u dhacday baa la odhan karaa.
Laakiin xaqiiqadu waxay tahay in kulankani uu miisaankiisa lahaa marka loo eego wadciga lagu jiro.
Saddex dhinac marka laga eegaba muhiimada shirkan maaha mid la dhayalsan karo.
1. Dhanka siyaasada iyadoo ay soo dhowaatay mudada la filayo inay dalka doorasho mw ka qabsoonto.
2. Dhanka dhaqaalaha. Kulankani wuxuu saamayn togan ku yeelan karaa suuqyada ganacsiga iyadoo ay hantiilayaashu kalsooni dareemaan markay sidan oo kale jawi degan ku kulmaan madaxda labada xisbi ee dalka ugu waawayni iyadoo ay doorasho soo dhowdahay. Kalsoonida ganacsataduna waxay hadana taabanaysaa suuqyada uu kamidka yahay ka lacagta qalaad iyo sarrifka lacaguhu; ma jirayso lacagyo ay ganansatadu si xad-dhaafa dibeda ugu saaraan.
3. Beesha caalamka ayaa iyaguna kor u qaadaya kalsoonida ay ku qabaan geedi-socodka siyaasada isla markaana ay suuregal tahay inay halkii hore kasii wadaan taageeradii ay ka gaysan jireen geedi-socodka siyaasada.
Taas macnaheedu maaha inay waxwaliba alraaydh inoo yihiin laakiin hadana rejadu maxuma. Waxyaabo wanaagsanina way jiraan. Qofkii dhex ahi waa inuu shillinka labadiisa dhinacba arki karaa.

Rashiid Awraali

Abdirashidaa@gmail.com