Xaaladda maanta ka taagan Somaliland, waa midhaha ka ka dhashay siyaasad xumada xukuumadda talada haysa, taas oo xabaddu ay tahay jawaabta keliya ee ay u hayso tabashada dadkeeda iyo dibaxbaxa silmiga ah ee uu muwaadinku rayigiisa ku cabbirayo.
Shalay 11 kii Ogos, Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo ayaa ay si arxandarro ah ugu laysay shacab aan hubaysnayn oo waxa keliya ee ay doonayaan ahaa in dastuurka dalka iyo xeerarkiisa la xurmeeyo. Maantana waa ay ka sii fogaatayba, waxaa la dilay muwaadiniin rayid ah oo ka cabanaya dilka qorshaysan ee lagu khaarajinayo haldoorkooda.
Taariikhda kuma jirto mar ay xabbadi xal waara keentay, mana ay dhicin in cid lagu qasbo aragti iyo go’aan aanay doonisteeda ku qaadan. Marka ay xaalka Laascaanood tahayna, runta keliya ee taallaa waa in aanay jiri karin Somaliland aanay ka mid ahayn Laascaanood oo nabad ah, dadkeeduna dareemayaan lahaanshiyaha qaranka.
Sidaas awgeed, madaxweynaha muddo xileedkii la doortay uu dhammaaday waxaa looga fadhiyaa, in uu qaato go’aan ku dhisan xikmad, xilkasnimo, odaytinimo, dulqaad iyo fogaan arag.
Waxaa la gudboon in uu liqo runta ah, haddii shan sanno uu u soo shaqaynayey dhaqanka siyaasadda lagu sheegay ee ah muran, ku jiq sii, iskeen sii, qaybinta shacabka ee gaadhay in markii ugu horreysay taariikhda Somaliland xitaa xuskii 18 May laba meelood lagu kala qabsado iyo khilaafka aan sababta lahayn ee uu geliyey doorashooyinka, in maanta duruufuhu ay marayaan meel aanu dhaqankaasi innaga saari karin.
Cana qubtayba dabadood la qabay ee, mucaarad ahaan, waxa aannu diyaar u nahay in aannu gacan ka gayano sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Laascaanood, waa se haddii la abuurto jawigii suurtagelin lahaa.
Khadar Xuseen Cabdi
Xoghayaha Guud Ee Xisbigga Waddani.
May be an image of 1 person