“Xalka Dalka Fashilmay ee Soomaaliya wuxuu ku jiraa in lagu Celiyo Gacantii Qarammada midoobay” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay xalka dalka fashilmay ee Soomaaliya uu ku xidhan yahay in lagu celiyo gacantii iyo maamulkii Qarammada midoobay ee maamuli jiray.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu caddeeyay in hoggaamiyeyaasha musuqmaasuqa ragaadiyay iyo gobollada qabyaalladeed xilligan hormuudka u ah siyaasadda Soomaaliya aanay xal iyo dan u ahayn, wax uu ku tilmaamay waddankaas fashilmay.

Guddoomiye Faysal wuxuu aragtidaas ku bandhigay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X(Twitter), wuxuuna soo jeediyay in Soomaaliya lagu celiyo gacantii maamulka Qarammada midoobay.

Hadalka Guddoomiyaha UCID wuxuu ku soo beegmay xilli ay dawladnimada Soomaaliya ka shaqeyn waday dalkaasi. Iyadoo dawladda Xasan Sheekh laga qabsaday dhul badan oo ay xukumaysay.

Sidoo kalena maamul goboleedyadda qabiilka lagu salleeyay aanay ogolayn in ay taayir rogto xukuumadda federaalka Soomaaliya oo xilligan wajahaysa xaalad adag.