Taliyihii boolisku Somaliland Dabagale,
wuxuu tagay Ceerigaabo oo nabad-galyo ah, markaas sidii Madaxweyne iyo Wasiiradiisa yidhi duleedka Ceerigaabo igu soo dhaweeya, waa dhaqan ku cusub Somaliland iyo dhaqanka ciidanba.”
Qorre:- yoonis Ahmed yoonis
“Xalka laas-caanood yaa laga sugayaa ???
Taliyihii boolisku Somaliland Dabagale,
wuxuu tagay Ceerigaabo oo nabad-galyo ah, markaas sidii Madaxweyne iyo Wasiiradiisa yidhi duleedka Ceerigaabo igu soo dhaweeya, waa dhaqan ku cusub Somaliland iyo dhaqanka ciidanba.
Wasiirka ammaanka qaabilsan Somaliland Maxamed kaahin, isaguna wuxuu u dalxiis tagay deegaankiisii bali-dhiig oo nabad ah,
ilaa maanta kama hadal xaaladda Laascaanood ka taagan, waana arrinta muujinaysa fashilka Xukuumadda wakhtigeedu dhamaaday dulhoganaysa.
Madaxweyne, muddo xilkiisu dhamadayna ee Muuse Biixi umaddii reer Somaliland way baafinaysaa meel uu marayo iyo meel uu ka hadlayo midna lama hayo.
Arrimahani dhamaantood marka la isku soo wada duubo waa kuwo muujinaya fashilka siyaasaddeed iyo amni ee ay dhex fadhiyaan Guddidii amniga qaranka. dalkii Haddii ay ku fashileen hoggaamtii iyo taladii dalka, ummada xilka u dhiibatay dib ha ugu soo celiyaan.”