Xalay, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la gaadhay heshiis dhigaya in gebi ahaanba hubka laga dhigo Xamaas iyo dhammaan kooxaha kale ee hubeysan ee Gaza, isla markaana ciidamada Israa’iil ay ka baxaan Marinka Gaza.

Waxa ilaa hadda la og yahay:

Trump ayaa sheegay in heshiiskan uu gaaray Golahiisa Nabadda, wuxuuna ku tilmaamay “tallaabo muhiim ah oo Gaza ugu dambayn loogu horseedayo inay maamusho dowlad cusub oo Falastiiniyiin ah.”
Qorshe afar bog ka kooban oo ay BBC-du heshay ayaa faahfaahinaya in hub ka dhigista Xamaas loo fulin doono si marxalad-marxalad ah, isla markaana ciidamada Israa’iil ay iyaguna si tartiib tartiib ah uga bixi doonaan Gaza. Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in tallaabo kasta oo qorshaha ka mid ah la xaqiijin doono lana hubin doono ka hor inta aan loo gudbin tallaabada xigta.
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in ururku oggolaaday qorshaha, hase yeeshee weli Xamaas kama aysan soo saarin war rasmi ah.
Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu si weyn uga niyad jabi doono haddii Israa’iil ay diido inay ciidamadeeda kala baxdo Gaza.
Waxa weli aan la ogeyn:

Mowqifka rasmiga ah ee Israa’iil ee heshiiskan, iyo inay qayb ka ahayd wada-hadalladii lagu gaaray, ma cadda, maadaama aan wax hadal ah laga maqal mas’uuliyiinta Israa’iil tan iyo ku dhawaaqistii Trump.
Sida ay u dhici doonto ka bixitaanka ciidamada Israa’iil, iyo in bixitaanku uu ku jiri doono aagga kala xadaynta ee loo yaqaan “Khadka Jaallaha” (Yellow Line).
Cidda ugu dambayn gacanta ku hayn doonta hubka ay Xamaas wareejin doonto marka heshiiska la fuliyo.
Sida uu si dhab ah u shaqayn doono habka xaqiijinta iyo kormeerka ee Maraykanku soo jeediyay.