
Warbixin laga baahiyey Telefiishanka Channel 14 ee Israa’iil ayaa si faahfaahsan u soo bandhigtay isdhexgal siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Israa’iil, sidoo kale waxy si qoto-dheer u soo muujisay iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka socdo Geeska Afrika ee ay hoggaaminayaan labadan dawladood ee saaxiibka ah.
Weriyaha ka tirsan Telefiishanka Channel 14 ee barnaamijkan diyaariyay isaga oo ku sugnaa magaalada Hargeysa intii lagu gudo-jiray xuska 18-ka May ayaa si gaar ah u sharxay sida wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Israa’iil ay uga qayb galeen munaasabadda dabaaldegga maalinta qarannmada Somaliland, isla markaana ay u heleen soo dhoweyn muuqata oo aan caadi ahayn.
Warbixintu waxay sheegtay in ka qayb-galka weftigani aanay ku koobnayn ka qayb-qaadashada xaflad ama dabaaldeg kaliya, balse ay ahayd farriin diblumaasiyadeed o oculus, taas o qayb ka ah xoojinta xidhiidhka iyo danaha siyaasadeed ee labada dal ay leeyihiin. Sida lagu sheegay, warbixintan tallaabadan ayaa ahayd mid iftiiminaysa shax juquraafi-siyaasadeed oo labada dhinacba ay dano waaweyn ka leeyihiin.
Weriyeha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda juquraafi ee Somaliland, gaar ahaan xeebaha istaraajiiga ah ee Somalialnd oo ku teedsan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas iyo u dhowaanshaha marin-biyoodka Bab el-Mandeb, taas oo ka dhigaysa meel muhiim u ah amaanka iyo badqabka dhaqdhaqaaqa ganacsiga maraakiibta adduunka.
Qaybaha warbixinta ee aadka loo xusay waxaa ka mid ahaa casho-sharaf ka dhacday madaxtooyada, halkaas oo madaxweynaha lagu guddoonsiiyey hadiyad la sheegay inay laga soo dhex-saaray mid ka mid ah hadhaaga gantaallada nidaamka difaaca cirka Israa’iil. Arrintaas ayaa lagu tilmaamay mid muujinaysa qoto-dheeraanta xidhiidhka istaraatiijiga ah ee labada dal, isla markaana ah calaamad si dhab ah uga turjumaysa isdhexgal siyaasadeed ee sii xoogaysanaya.





