
Habaynkii xalay ahaa lagama seexan magaalooyinka waaweyn ee Geeska Afrika gaar ahaan Muqdisho iyo Djibouti oo raadinaayay halka iyo ujeedka uu u baxay madaxweynaha Somaliland Dr Cabdiraxmaan Mohamed Abdullahi Irro ma ah labadaas magaalo ee waxa ay madaxda ugu sareeya xukuumadda Somaliland Xasan Sheekhh ay wareeriyeen dawladda Itoobiya iyaga oo waraysanaaya xaga uu u socdaalay madaxweynaha Somaliland iyo u jeedka socdaalkiisa ee xiligani.
Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ayna ka war qabin socdaalka madaxweynaha Somaliland oo aanu dalkooda ku sugnayn isla markaana ayna ahayn shaqo u taala Itoobiya xaga iyo ujeedada uu u safraayo madaxweynaha Somaliland.
Hadaba inta ayna Somalia iyo Djibouti ku dawakhin socdaalka madaxweynaha Somaliland isla markaasna ayna lacag badan ku bixinin sidii Somaliland oo nabdoon ay qas uga abuuri lahaayeen waxa la haboon in ay xaliyaan mushikladaha ka socda dalalkooda gudihiisa tusaale ahaan magaalada Muqdisho gudaheeda waxa ku soodhawaaday kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab kuwaasi oo gacan ka hela madax ka mid ah xukuumadda Xasan Sheekh sidoo kale waxa sii xoogaysanaaya kooxaha hubaysan ee ka sagaalama dalka Djibouti taasi oo ay todobaadkani gaysteen khasaare balaadhan oo ay gaadhsiiyeen ciidanka xusay Djibouti
Dawladda la aqoonsanyahay ee Somaliland iyo shicibkeediba wax xumaan ah uma hayaan wadamada jaarka ee waa in ay iyaguna ka feejignaadaan xumaanta ay abuurayaan ee ay faraha kula jiraan oo si fiican looga war hayo.






