Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay dalal daris ahโiyadoo uusan magac dhabinโiney ka faa’iideysanayaan aqoonsiga ay Israel siisay Somaliland si ay u gaaraan danahooda gaarka ah.
Wareysi uu siiyay wargeyska Carabiga ee fadhigiisu yahay London, Asharq al-Awsat, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in “dalalka gobolka qaarkood ay doonayaan inay ka faa’iideystaan fursaddan si ay u gaaraan dano kooban oo waqti-gaaban ah, iyagoo halis gelinaya midnimada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka.” Inkastoo uu yiri “ma doonayo inaan magac dhabo dal,” haddana wuxuu intaas ku daray in qaar laga yaabo inay u arkaan aqoonsigan mid siinaya faa’iidooyin xaddidan.
Kadib markii Israel aqoonsatay Somaliland bishii December, dalal iyo hay’ado badan ayaa muujiyay taageeradooda midnimada Somalia. Si kastaba, dalalka deriska ah sida Ethiopia iyo Kenya weli si cad ugama aysan hadlin taageero ama inay ka soo horjeedaan tallaabada Israa’iil.
Waxaa xusid mudan in Ethiopia ay hore ugu jirtay muran la xiriira Soomaaliya kadib heshiis ay la gaartay Somaliland laba sano ka hor.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku adkeystay in wadajirka dhuleed ee dalkiisa uu yahay “khad cas” aan la gudbi karin, isagoo sheegay in dowladdiisu adeegsaneyso siyaasad kasta oo lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo madaxbannaanida dalka.
Inkastoo Somaliland ay ku dhawaaqday madaxbannaani in ka badan 30 sano ka hor, ma aysan helin aqoonsi caalami ah marka laga reebo Israel oo dhowaan siisay aqoonsi rasmi ah.





