Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta Aljasiira ayaa ka warbixiyey heshiiska dhex maray Soomaaliland iyo Israaiil, kaas oo ay Israa’iil Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax bannaan Soomaaliya.

Madaxweynaha oo ku jira safar diblomaasiyadeed oo uu taageero ugu raadinayo go’aanka dalkiisa ayaa hadda ku sugan dalka Turkiga, isaga oo hore usoo maray Jabuuti. Wuxuu ka hadlay warar soo baxayay, isagoo sheegay in Somaliland ay ogolaatay saddex shuruudood oo ay Israa’iil dalbatay, kuwaas oo la sheegay in ay “ku beddelatay aqoonsi” ay ka hesho Israa’iil iyo xulufadeeda.

“Xogta hoose ee aan hayno waxa ay sheegeysaa sadex qodob oo muuhiim ah in ay ku heshiiyeen; qodobka kowaad waa in Falastiniiyiinta loo soo raro Somaaliland, laba – in Israa’iil saldhig militari ka sameysto gacanka cadmeed, qorshaha sadexaadna waa in Somaaliland qeyb ka noqoto dowladaha ku jira heshiiska Abraham, kuwani waa sadexda dalab ee Israa’iil ee Somaliland aqbshay” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo u warramayey TVga Al Jazeera.

Waxa uu intaas ku daray haddii ay dhaqan galaan qodobadaan in ay noqonayaan “halis amni oo caalamka kaga imaan doontaa geeska”.

Haddii sadexdaas qodob dhaqan galaan Somaaliya waxa ay ku furi doonaan irid dhibaato oo hor leh, waxa ayna horseedi doonaan xasillooni darro”, ayuu yiri Madaxweynaha.