“Xasan Sheekh Hadda ayuu la soo Baxay Wejigiisa Runta ah waxana fashilmay duullaanka uu ku soo qaaday Somaliland”

Cali Waran-cadde

Hargeysa(Qaran news)- Siyaasiga weyn ee Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu ku soo qaadday qarannimada Somaliland dagaal siyaasadeed oo masiiri ah oo uu kaga xun yahay aqoonsiga Somaliland ee Itoobiya ku ictiraafayso.

Cali Waran-cadde waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu si bahalnimo ah dawladiisu u dishay aqoonyahanno iyo siyaasiyiin reer Somaliland ah.

Waxaanu ku tilmaamay dhiigyo cab ummadiisana gumaad ku haya.

Mr. Waran-cadde wuxuu sheegay in dad badan oo reer Somaliland ahi ay Xasan Sheekh u arki jireen inuu ka wanaagsan yahay madaxdii kale ee Soomaaliya, hase ahaatee uu xiligan la soo baxay wejigiisii rasmiga ahaa oo ah inuu dagaal xun oo cidhib xumo horseedi kara ku hayo Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa uu xusay in dhagarihii iyo dagaalkii siyaasadeed ee Xasan Sheekh u hayey Somaliland uu Alle fashiliyay.

Siyaasi Cali Waran-cadde wuxuu ugu baaqay reer Somaliland inay u midoobaan difaaca dalkooda, iyo duullaanka ay wadaan Soomaaliya oo hore uga geystay Somaliland xasuuq baahsan.

Waxa kaloo uu shacbiga Soomaaliya ugu baaqay inay ka tashadaan nacabka xilligan hoggaanka u ah.