Hargeisa (Qaran news)-Xaalada xildhibaan Jamaal Adan Diiriye ayaa degan in kasta oo goor dhawayd la galiyay qalniin xaga sanka ah kadib markii uu jabniin ka soo gaadhay dhaawacii ay shalay u gaysteen ciidan ku garaacay aaga madaxtooyada oo uu xiligaasi maraayay sida uu sheegay isaga oo wadadaasi maraaya kuna guda jiray nolol maalmeedkiisii.

Askarta falka foosha xun u gaystay xildhibaanka ayaa xidhan oo lagu wadaa baadhitaan

Xildhibaanka ayaa hada ku jira oo lagu daawaynayaa Amal Garand Hospital ee dhaca bariga magaalada Hargeysa