Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Faransiiska oo Booqasho ku Yimid JSL


 
Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha gudidda arrimaha dibedda ee golaha guurtida dalka Faransiiska ayaa boqasho ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xildhibaankan waxa garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha-indho oo ah guddoomiyaha guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida Somaliland iyo xildhibaan Saalax Ismaaciil Diiriye oo ka tirsan golaha Wakiillada JSL.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in uu ka mid yahay saaxiibada Somaliland, isla markaana ay dhawr jeer oo hore ugu kulmeen gudaha dalka Faransiiska, waxa ay intaas ku darreen in mudada uu dalka joogo ay la kulmi doono labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, sidoo kalena uu la kulmi doono masuuliyiinta dowladda.

Xildhibaan Cabdilqaadir Maxamed Xasan Indha-indho isaga oo ugu horayn soo dhaweynta xildhibaankaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Waxa noo yimid guddoomiyihii haystay guddida arrimaha dibedda ee golaha guurtida Faransiiska, balantii uu nagula balamayna wuu ku mahadsan yahay in uu noo yimaado, golayaasha ayuu la kulmi doona, madax iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan ayuu la kulmi doona aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay”

Xildhibaan Saalax Ismaaciil Diiriye o ka mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshiyaha xildhibaanka ee Somaliland.

Waxaanu yidhi. “Waxaa aanu garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ku soo dhaweynayna mudane ka tirsan aqalka sarre ee dalka Faransiiska oo booqasho ku yimid Somaliland, waxa uu ka mid ahaa xildhibaano aanu aqalka sarre kula kulanay sannadkii hore.”

“Waanu kaga mahadcelinayna booqashada aad ku timid Somaliland, halkani waa Somaliland, soo dhawow mar labaad iyo mar saddexaadba xildhibaan”Ayuu yidhi wakiillka Somaliland ee dalka Faransiiska.