Waxa maanta madaarka Hargeysa lagu qabtay xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland oo laga soo doorto gobolka Awdal.
Wararku waxa ay ku darayaan in xildhibaanka la geeyay xarunta CID, sidaasi waxa xaqiijiyay dadkii ku sugaayay madaarka

Xildhbaan Maxamed Abiib ayaa ah xildhibaanada mucaaridka ku ah xukuumadda Muuse Biixi, waana shaqsi u ololeeya in wax loo qabto ummadda Somaliland gaar ahaan gobolka Awdal.

Hore ayay xukuumadda Muuse Biixi Cabdi ugu fashilantay in xildhibaan Abiib lagu sameeyo xil.ka xatuubin arinkaasi oo baal marsanaa dastuurka uma ay suurto galin xukuumadda .