Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka UK oo Booqasho ku Yimid Somaliland

Hargeysa(Qaran news)- Wefti Xildhibaanno ah oo ka socday Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa booqasho ku yimid magaalada Hargeysa ee caasimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Somaliland Marwo Rooda Jaamac Cilmi ayaa ku soo dhaweysay dhabbada diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.

Weftigan waxa ka mud ah Alexander Staford iyo Tim loughton oo labaduba ka mid Baarlamaanka UK, kuwaasi oo ka mid ah mudaneyaasha taageera qaddiyadda Somaliland.

Waxa lagu wadaa inay la kulmaan madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo goleyaasha baarlamaanka ee Guurtidda iyo Wakiillada iyo xisbiyada mucaaridka