Guddoomiye Xirsi oo soo Dhaweeyay Go’aan ka soo Baxay Golaha Ammaanka

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa soo dhaweeyay go’aankii golaha ammaanku ka soo saaray dagaalka Qasa.

Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, waxaanu ku tilmaamay go’aan dan u ah ummadda falastiiniyiinta. Waxaanu yidhi

“Waxa aan bogaadinayaa qaraarka Golaha Ammaanka ee QM ee maanta soo baxay. Go’aankan waxa uu mar labaad guul u yahay dadka reed Falastiin oo u muuqda in ay masraxa siyaasadda kaga adkaadeen rajiimka daalinka ah ee Netanyahu. Shacabka xaq u dirirka ah ee Falastiin oo u jilibdhigay gardarradda muddada qarniga ku dhow ay Israa’iil ku haysay bulshadaasi, oo dal ahaan iyo dad ahaanba dhibaato aad u weyni ka soo gaadhay xadgudubyadaa axmaqnimada leh ee saameeyay bulshadda reer Falastiin, nooc kasta oo ay tahayba.

Waxa aan rejaynayaa in tallaabadan Golaha Ammaanka ee soo daahday ay meelmar noqoto, isla markaana soo afjarto xasuuqii iyo barakicintii joogtada ahayd ee lagu hayay shacabka reer Qasa iyo guud ahaan dadka reer Falastiin, aniga oo u rejaynayaa nabad, badhaadhe iyo guul waarta oo ay kula ciidaan dunida muslinka ah, waxa aanan fadliga bisha barakaysan Ilaahay uga baryayaa in uu guuleeyo oo gaadhsiiyo himladooda ah in ay cisi iyo sharaf ku noolaadaan!”