Xisbi ahaan, waxa aan galabta booqannay Cusbitaalka Guud ee Caasimadda Hargeysa si aanu ugu kuur-galno Xaaladda dhabta ah ee ay marayso Xummadda isla markaana aan xog ogaal ugu noqonno sida ay u saamaysay Shacbiga reer Somaliland qeybihiisa kala duwan, sida runtii ah xaaladdu waxa ay maraysaa meel aad ugu baahan gurmad dawladeed iyo dedaallo wax ku ool ah.
Waxaa gebi ahaanba meesha ka maqan kaalintii ay lahayd Xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, gaar ahaanna Wasaaraddii Caafimaadka ee mas’uuliyaddan Shacabka u haysay, waxa aannu ka xunnahay in illaa iyo hadda Maxaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday aanu Xummadda Gurmadkeeda wax dedaallo ah ka gelin oo aan ka ahayn in ay ku mashquulsan yihiin qoqobka iyo kala qeybinta shacabka.
Murashax Cabdiraxmaan Cirro