Hargeysa(Qaran news)- Xisbiga mucaaridka ee UCID ayaa dawladda Hoose Hargeysa ku bogaadiyay raashin iyo dawooyin dhacay oo ay qabteen.
Xoghayaha Warfaafinta UCID Keyse Yuusuf Guuxaa, ayaa sheegay in Ilaahay kala xisaabtamayo ganacsadaha ummadda u keena raashin iyo dawooyin dhacay, wuxuuna tilmaamay inay carruurtoodu qaadi doonaan xanuunno xun xun oo ay shacbiga ay sumaynayaan ka horeyn doonaan.
Xoghaye Keyse wuxuu sheegay in bulshada Somaliland ay wadhan yihiin cisbitaalada jigjiga, Addisababa iyo Hindiya waxaanu xusay in aanay jirin dawlad danaynaysa caafimaadka ummadda.
Yuusuf Keyse wuxuu sheegay in ummaddu indhaha ku hayso baadhista kiiska ay qabatay Dawladda hoose, wuxuuna soo jeediyay in dadkii ummadda sumaynayay sharciga lala tiigsado.
Waxa kaloo uu xukuumada ku dhaliilay in aanay dan ka lahayn hubinta badqabka baddecadaha.