Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha xisbigaasi ayaa kulmay danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya oo socdaal ku yimid Somaliland.

“Waxa aannu maanta la kulannay safiirka Sweden Mr. Joachim Waern oo uu wehelinayay Mr. Johan Svensson.
Kulanka waxa lagu falanqeeyay arrimo dhawr ah oo ay ugu muhiimsanayd arrimaha doorashooyinka isku sidkan ee dabayaaqada sannadkan ka qabsoomi doona Somaliland.
Safiirku wuxuu bogaadiyay in Somaliland doorasho u jihaystay isla markaana dhinacayadu isku wada raacsanyihiin qabsoomidda doorashooyinka”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji oo ay weheliyaan Xoghayaha Guud ee Xisbiga Khadar Xuseen Cabdi iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Cali Cilmi oo la kulmay Safiirka Dalka Sweden iyo Madax kale oo Ka tirsan dalka Sweden.

Kullankan ayaa Waxa lagu falanqeeyey Arimaha Doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland Ka dhacaya Sanadkan.