Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda ku Dhaliilay in aanay waxba ka Qaban Qorshaheedii Beeraha

Hargeysa(Qaran news)- Xoghaye ku xigeenka Beeraha ee Xisbiga WADDANI Khaalid Maxamuud Jaamac, ayaa ayaan darro ku tilmaamay in 32 sannadood oo ay Somaliland ahayd qaran madax bannaan in aanay jirin beer dawladdu leedahay iyo mashaariic lagu hirumarinayo dhinaca Beeraha.

“ Waxa 32 Sanno kadib innagu ceeb ah, in la waayo beer dawladdu leedahay oo mashruuca Taiwan laga fuliyo kadiba beer shakhsi leeyahay lagu wareejiyey,” ayuu yidhi Xoghaye xigeenka beeraha ee xisbiga WADDANI Mudane Khaalid Maxamuud Jaamac oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Khaalid wuxuu ku dhaliilay xukuumadda Muuse Biixi in aanay waxba ka fulin qorshihii horumarinta beeraha ee ay ku ololaysay.

Waxa kaloo uu tilmaamay in aanu jirin wax la taaban karo oo Xukuumaddu ka qabatay dhiirigelinta iyo xoojinta beerllayda dalka, si kor loogu qaado waxsoosaarka beeraha ee dalka.

Xoghaye kuxigeenku wuxuu caddeeyay in xisbigooda WADDANI uu qorshe ballaadhin ka leeyahay wax u qabashada beeralayda iyo kor u qaadista waxsoosaarka gudaha ee dhinaca cuntada. Waxaanu xusay in qorshahaasi uu ku caddaan doono barnaamij siyaasadeedka xisbiga, oo muhiimad weyn siin doona arrintaas.