Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah laqaatay Xoghayaha guud ee qaramada midoobey António Guterres, kaasoo ka dhacay Madaxtooyadda Villa Somalia, sida lagu sheegay war Madaxtooyadu baahisay.
Madaxweynaha ayaa intii uu kulanku socday waxa uu dul istaagay culeysyada & xaaladaha adag ee ay la tacaalayso xukuumadiisu, kuwaas oo ay uga horreeyaan abaaraha gallaaftay nolasha kumannaan qoys, saameynta isbeddelka cimilada, colaadaha sokeeye iyo Saboolnimada ka jirta Somalia
M/weyne XSM waxa kale oo yidhi “”Waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed ay awood u yeelan doonaan in ay ka gudbaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay weli wajahayaan, iyada oo loo marayo dhammeystirka xoreynta dalka iyo dib u heshiisiinta”.
Xogahaye Guterres ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda soo dhaweynta diirran ee uu u sameeyay isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna xusay in uu fahamsan yahay xaaladaha binu aadantinimo ee ay la tacaalayso dowladda Soomaaliya, lana xoojinayo taageerada iyo garab istaagga dalka.