Xoghayaha WADDANI oo Qoddobeeyay Guuldarooyinka Hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(Qaran news)- xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in lixdii sannadood ee uu xukunka joogay Madaxweyne Muuse Biixi laga joogo guuldarooyin taxane ahaa oo uu u soo jiiday Jamhuuriyadda Somaliland.

Xoghaye Khadar Xuseen wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacday bartiisa Twitter, Maadaama oo ay shalay ku beegmayd lix sanno ka hir dharaartii shacbiga Somaliland ay doorteen Madaxweyne Muuse Biixi.
“Muddo lix sannadood ah Somaliland waxay wajahday fashil iyo guul-darooyin taxane ah; sida hoos u dhaca dhaqaalaha, farsamada millatariga iyo walaahowga arrimaha dibadda iyo tafaraaruqa ku dhacay Qaranka,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar Xuseen.
Waxa kaloo uu intaas ku daray in Madaxweynuhu iibiyay hantidii ma guurtada ahayd ee Somaliland. Wuxuuna is weydiiyay miyay jiraan cid maskax furan horusocod inoogu sheegi karta fashilkaas dhacay.