Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda UK oo dalkiisa ugu Baaqay Aqoonsiga Somaliland
Hargeysa(Qaran news)- Xoghayihii hore Arrimaha Dibadda UK, Zac Goldsmith, ayaa ku booriyay Ingiriiska inuu aqoonsado Somaliland, maadaama oo ay shuruudu ahayd in dalka koowaad ee aqoonsada JSL uu noqdo Afrikaan.
“Arrintani (isfahamka Somaliland iyo Itoobiya) wuxuu war farxad leh u yahay Dawladnimada Somaliland iyo dadkeeda. Haddii aan ahay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda UK mar walba way ii caddayd in aanu aqoonsan doono madax-bannaanida Somaliland xiliga uu ictiraafo waddan Afrikaan ahi. Waxaan rajaynayaa in imika UK ku dhaqaaqi doonto Qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland,” ayuu yidhi Zac Goldsmith oo qoraal ku baahiyay bartiisa X (Twitter).
Sidoo kalena, Xildhibaan Gavin Williamson oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Itoobiya noqoto dalka ugu horreeya ee Afrika ee ku dhawaaqi doonta “Aqoonsiga Somaliland”.