Xukuumada Madaxwayne Cirro, ayaa sheegtay in aanay sharci ahayn Docmentyadii ama sharciyadii la sameeyay mudadii kala guurka ilaa amar dambe.
Sidoo kale xukuumadu waxa ay sheegtay in ay ka war heshay dhismayaal laga wado dhulkii ama Guryihii dawlada ee la bixiyay wakhtigii kala guurka oo hore ay u hakisay, iyadoona sheegtay in ay talaabo ka qaadi doonto cid kaste oo u hoggaansami wayda Wareegtooyinkan.