Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya ee taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay, in 11 qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen gobolka xuduudda ee Najran ee Sacuudi Carabiya.
Afhayeen ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ka koobnaayeen toddobo muwaadiniin Sacuudi ah, hal Yemeni ah, laba Masaari ah iyo hal Pakistani ah.
Weerarkan ayaa yimid laba maalmood kaddib markii Xuutiyiintu sheegeen inay weerar diyaarado aan duuliye lahayn ah ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Najran.
Xiisaddu waxay sii korortay toddobaadyadii u dambeeyay kaddib markii kooxda ay Iiraan taageerto ay ku dhawaaqday go’doomin dhinaca badda ah oo ka jirta Badda Cas, isla markaana ay weerarro ku qaaday booyadaha shidaalka iyo xarumaha saliidda ee Sacuudi Carabiya.
Riyaad ayaa taas uga jawaabtay duqeymo ay la beegsatay saldhigyo ciidan oo ku yaalla Yemen.
Horey, weerarro ay Xuutiyiintu geysteen ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 30 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Yemen ee bartamaha Yemen.





