Xuutiyiinta Yemen oo sheegay in Sacuudigu weerarro aargoosi ah qaaday.
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay Talaadadii qaaday weerarro aargoosi ah, kadib weerarro ay kooxdaasi ku qaaday xarumo shidaal oo sababay dhaawaca tobannaan qof.
Telefishinka Al-Masirah oo ay maamulaan Xuutiyiintu ayaa sheegay in weerarrada Sacuudigu ay ka dhaceen gobollada Taiz iyo Ma’rib.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga weli kama aysan hadlin wararka ku saabsan weerarrada.
Hase yeeshee, horay ayay u sheegeen in weerarro ay Xuutiyiintu habeenkii qaadeen ay sababeen in si “ku-meelgaar ah” loo hakiyo shaqada xarumo shidaal, isla markaana ay ku dhaawacmeen 73 qof.
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa markaas sheegay inay ka jawaabi doonaan weerarrada Xuutiyiinta.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay weerarrada ay Xuutiyiintu qaadeen.





