YAA DIIDAN DOORASHO LA ISLA OGOL YAGAY EEN AHAY MUUSE BIIXI?
W/Q: Cali Guray.
“Maaha markii ugu horaysay xisbiga WADDANI in aanu diidanay “doorasho la isla ogol yahay”, sida ay masuuliyiinta xisbigu mar hore cadeeyeen maantana uu ku celiyay Gudoomiye xigeenkiisu Muj. Xamarji.
Waynu ognahay Somaliland doorasho aan heshiis lagu ahayn weligees hore ugamay dhicin hadana kama dhacayso.
Doorashada waxaynu u samaysannay haya’d madaxbanaan oo la yidhaa Komishanka Doorashada yaa ka horyimi ee farogeliya ee aan ogolayn madabanaanifooda? Ma xisbiyada mucaaridka? Hadii aynu Ilaahay ka baqayno ka diiday ee farogeliyay ee ilaa hadda aan ogolayn qorshihii ay soo dhigeen markii ay arkeen in doorashadii madaxtooyada ee hawsheeda ay kala wareegeen komishankii hore aanay ku qaban karin wakhtigeedii (13 November) balse ay u baahan yihiin muddo 9 bilood ah. Saamilaydii doorashada waxa diiday oo keliya Muuse Biixi iyo xisbigiisa uu isagu masuulka ka yahay.
Maalintii la dhaarinayay xubnihii dambe ee Komishanka doorashada waxaynu arkaynay Muuse amar ku siinaya ” marka hore waxa qabanaysaa doorashada Ururada, sadexda xisbi ee soo baxa ayaa doorashada madaxtooyada geli doona. Taasi farogelin cad saw maaha iyo xadgudub uu ku sameeyay madaxbanaanidii komishanka. Nasiib wanaag Komishanku hawsgoodii ayuun bay sidii sharcigu farayay u wateen waxanay isku koobeen soorashadii Xeer Lam. 91 uu ku waajibinayay ee Madaxtooyada.
Doorashadan ururadu ama ha ka horayso ama ha ka dambayso ta madaxtooyada eh horta saw may haboonayn in marka hore la dhanaystiro shaciyadeeda? Taasina cidda diiday ilaa hadaba diidan ee aan ahayn Muuse Biixi waa ayo?
Waxaynu og nahay labadii doorasho ee dastuuriga ahaa ay labaduba muddo dhaaf yihiin. Wuxu ku wadaa Muuse in uu ku simo xisbiyadana 26 December si uu u buriyo muddada shahaadadaha markaa doorashada ururada iyo xisbiyaduna ay muddo dhaaf u noqdaan ee Ninkaasi ma u socdaa in Somaliland doorasho la isla ogol yahay ka qabsoonto. Maya wuxu ku talogalay ayay u muuqataa in Somaliland la meeraysto wax doorasho ahina ka qabsoomin isaguna kursiga inta uu doono iskaga fadhiyo eh taasi dan ma u tahay Somaliland? Maya isaga iyo Somaliland midna dan uma aha. Wax ka yar qarandumisnimo oo lagu sheegi karaana ma jirto”.
May be an image of 2 people and text