𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐛 𝐮𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo safar dibadeed ku maqnaa ayaa maanta dalka dib ugu soo noqda.

Madaxweyne-ku-xigeenka waxa Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada JSL, Agaasimayaal Guud, Guddoomiyeyaasha Gobollada Maroodijeex iyo Togdheer.

Ugu horayn, waxa halkaasi hadal kooban oo soo dhawayn ah ka jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Mudane Xirsi Cali X. Xasan, Gudoomiye ku’xigeenka 2-aad ee ee Golaha Wakiillada, Mudane Cali Xaamud Jibriil.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa si weyn uga mahad celiyey soo dhaweynta loo sameeyey.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL waxa uu Allah SWT ka baryey in uu inaga soo jabiyo Abaaraha adag ee ka jira Gobollada Dalka oo dhan.