𝗝𝗮𝗺𝗵𝘂𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗶𝘆𝗼 𝗜𝘀𝘂-𝘁𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗜𝗺𝗮𝗮𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗿𝗮𝗯𝘁𝗮 𝗼𝗼 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮𝗻𝗮𝘆𝗮 𝗱𝗵𝗶𝘀𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗵𝗮𝘆𝗯𝗮𝗮𝗱𝗵 𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶 𝗮𝗵 𝗼𝗼 𝗹𝗮𝗴𝗮 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱.
Wasiirka Tamarta iyo Macdanta JSL, Mudane Eng. Axmed Jaamac Barre, oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa soo gabagabeeyay wada hadallo muhiim ah oo ay kula jireen Shirkadda Shaybaadhka Wershadaha ee Imaaraadka Carabta, Emirates Industrial Laboratories (EILAB).
Dhanka kale, weftiga ka socday Imaaraadka oo toddobaadkii u danbeeyey ku sugnaa dalka,ayaa waxa hoggaaminaysay Maamulaha Guud ee EILAB, Marwo Nariman Abdulla Kamber Al Awadhi.
Shaybaadhkan macdanta ah ayaa noqon doona kii ugu horreeyay noociisa ee laga hirgeliyo guud ahaan Geeska Afrika, taas oo muujinaysa tallaabo horumarineed oo muhiim ah iyo iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, una gogol xaadhaya horumar ballaadhan oo ku saabsan cilmi-baadhista iyo tayaynta adeegyada macdanta ee gobolka.