10 bilood ka hor deynta Xukuumadda lagu leeyahay waxay ahayd 22 Milyan oo dollar, halka imika tahay 45 Million oo dollar
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo 10 ka hor sheegay in daynta Dawladda lagu leeyahay tahay 22 Million oo dollar, ayaa isla toddobaadkii hore sheegay in deynta Dawladda lagu leeyahay ay tahay 45 Million oo dollar, taas oo ka dhigan farqiga u dhexeeya 10 bilood ay yahay 23 Million oo dollar.
Wasiir Sacad Cali Shire oo 10 bilood ka hor u warramayey Sidiiq Birmad oo ka tirsan Telefishanka BBC Somali, ayaa sheegay in deynta lagu leeyahay ay tahay 22 Million oo badankeedu ahaa deymo laga dhaxlay Xukuumaddihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray ee Cigaal, Rayaale iyo Siillaanyo, halka uu toddobaadkii hore sheegay in daynta lagu leeyahay Xukuumaddu tahay 45 Million oo dollar.
May be an image of 1 person