“17 Ramadaan ayaan araga Naafo ka ahay, ee bulshada Islaamku hay Gurmato”Samaax Axmed Jaamac gabadh araga naafo ka ah

Hargeysa(Qaran news)-Sabaax Axmed Jaamac, waa haweenay reer Somaliland ah, muddo 17 sano ayay aragga naafo ka tahay, waxaaney dhakhaatiirtu ku wargeliyeen in ay tagto dhakhtar dibadeed si xaaladeeda aragtida indhaha wax looga qabto.

Sabaax waxa ay sheegtay in ay wayday awoodii dhaqaale ee ay ku tagi lahayd cisbitaal dibadeed, isla markaana gurigooda oo ay iib u dhigeena loo gaadhi waayay qiimihii ay ku doonayeen in lagaga iibsado, waxa ay intaas ku dartay in 17 ka sano gurigooda uun ay joogto meel ay uga kacdayna aanay jirin, waxaaney xustay in qoyska ay ka dhalatay ay yihiin reer hayntoodu hoosayso.

Hooyada Sabaax dhashay ayaa sheegtay in wararka ugu badani uu ka hayo gabadheeda arraga’la, waxaa ay intaas ku dartay in ay aad u jeclaan lahayd in laga wada qayb qaato dadaalka ugu jiraan sidii gabadhaasi mar uun indhaheeda wax ugu arki lahayd, waxaaney bulshada ka codsatay in laga Kaalmeeyo dhaqaalaha lagu gaynayo cisbitaalka dibada ee ay awooda u waayeen.

Waxaaney tidhi.“Dhibaato naguma yara, kolkay sidaas wax u jiidho ama ay tidhaahdo magaadhayo tukaanka innagu soojeeda, haqbaan idhaahda oo meelba igoda’a, raggii aan dhalay way dhinteeno sida aan inantan uga naxo iyaga ugama nixin, haddaba cidkasta oo Muslina oo fariintayadu soo gaadho waxaan ka codsanaya inay na soo caawiyaan kana qayb qaataan sidii dhakhtar gabadhan indhaheeda wax ka qabta loogu helilahaa.

Kii wax haysta wax hanagu taro kii aan waxba haynina waxba ma bixin karo, waa ILLAAHEY dartii uun ninka wax u baxsanaya, una wanaagsan naftiisa iyo reerkiisaba sadaqana u ah”

Sabaax Axmed Jaamac ayaa sidareen taabasha leh u sheegtay in muddo 17 sano ah ay ku samirsan tahay aragtida indha la’aanta.
Waxaaney tidhi.“17 sano ayaan xanuunka indhaha igaga dhacay qaba, habeen kaliya ayuu igu soo booday, wax badanba mayn”

Sabaax iyada oo hadalkeeda siiwadata waxa ay tidhi. “Gurigan ayaanu ku jirna marka walaal lacagtii lagu qiimeeyay indhahayga waa naloo gaadhii waayay, lacag yar ayaa naloo dhigey, ILLAAHEY ayaan isaga samray.

Cisbitaaladeenu waxay igu yidhaahdeen tag dhakhaatiirta Itoobiya, saddex boqol oo dollar ayaa laga qaadi doona, saddexdii boqol ee dollarna waan awoodi waayay, marka walaal ILLAAHEY ayaan u samray, ALLE ayaan tallo saartay.

Muslimiinta I daawanaya ee jooga dal iyo dibedba waxaan ka codsanaya inay I soo caawiyaan, oo ILLAAHEY dartii walaal ii soocaawiyaan si aan dhakhtar dibadeed u tago,”

Wariye Maxamed Cali Xaashi, oo ay jaar yihiin Sabaax ayaa sheegay in rajjo ay leeyihiin indhaheedu haddii ay hesho dhakhtar aqoon iyo khibrad u leh, waxaanu tilmaamay in ay dalka joogaan dhakhaatiir wax ka qaban karta xaalada Sabaax.

Waxaanu yidhi.“Anigu la jaar ayaan ahay labadeeda indhood midi wali rajjo ayay leedahay midna inay dhimatay ayaan filayaa, marka dhakhaatiirta kala duwan ee dalka gudihiisa waxaan leeyahay bal aan awooda saarno ta humaagu ku jiro”.

Haddaba ciddii ILLAAHEY dartii wax ula baxaysa ama siu un waalidkii wax ugu bixinaya hakala xidhiidhaan telefoonkan, 063-4113930 ama 0654193280