Dhawaan ayaa is maamulka Somalida ee Itoobiya waxa ay soo saareen go,aan ah in maamulka Somalida ee deegaanadaasi ay maanta laga bilaabo ay isticmaali doonaan taariikhda afka Somaliga ee Afka Somaligu leeyahay, hadaba anaga oo warkaasi baahinay waxa ka soo noqday afkaar badan oo sheegaysa in aan bilahaasi ayna saxsanayn isla markaasina ay yihiin godad ay bilahu ku meeraystaan.

Hoos ka akhriso bilaha saxda ah iyo magacyadooda.

12 bilood ee sanadka somaalidu u taqaano
Sayrmaweydo. 1 January
Cawli 2. February
Dirir sagala 3 March
Samalaho 4. April
Waranweer 5. May
Xays 6. June
Dayr halalod 7. July
Danbasame 8. August
Wajiine 9. Sept.
Todob 10. Oct.
Diraac 11. Nov.
Daydo 12. Dec.

Hoos ka akhri qoraalka ka soo baxay ismaamulka Somalida ee dalka Itoobiya.

Maanta wixii ka dambeeyay deegaanada Kililka Shanaad waxaa laga isticmaali doonaa bilaha kal-tirsiga afsoomaaliga ee soo socda
1. Kodxin – (September)
2. Dirir – (October)
3. Gudba – (November)
4. Xoorrey – (December)
5. Dharabley – (January)
6. Cirir – (February)
7. Cuur – (March)
8. Duugato – (April)
9. Miicaad – (May)
10. Agaali – (June)
11. Afagaal – (July)
12. Naaf – (August)