Laba qodob oo ka soo baxay Kulankii Madaxweyne Biixi iyo Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka

Kulankii saaka dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyada mucaaridka ayaa lagaga wada hadley labada qodob oo kaliya .
Qodobka koowaad ayaa ahaa xaalada Magaalada Laascaanood, waxaana ay xisbiyadu mucaaridku ku taliyeen in xabada la joojiyo oo arintaas lagu dhameeyo oo kaliya wada hadal .
Qodobka Labaad oo ahaa arimaha doorashooyinka ayaa doodiisu aad u dheeraatey , ayaa madaxweyne Biixi markii ugu horeysay ogolaadey in khilaafkaas dhameyntiisa laga wada hadalo
Waxaa la magacaabey guddi 9 Xubnood ah oo xisbi waliba uu soo magacaabi doono min 3 xubnood .
Shaqada Guddidaas ayaa waxaa ay noqon doontaa oo kaliya inay so diyaariso xiligii la isku iman lahaa ee arinta doorashooyinka heshiis buuxa looga gaadhi lahaa