2.5 ton oo Uranium ah oo loo isticmaalo hubka Nukliyeerka oo laga waayey Halkii ay taalay

A Libyan representative uses a Geiger counter to measure radiation at the Tajoura nuclear research center...
A Libyan representative uses a Geiger counter to measure radiation at the Tajoura nuclear research center…

Hay’adda Qaramada Midoobay ee qaabilsan kormeerka hubka nukliyeerka ayaa ogaatay in ku dhowaad 2.5 ton oo Uranium dabiici ah in laga waayey goobihii dalka Liibiya ee lagu ogaa, kuwaas oo aan gacanta ugu jirin dawladda dalkaas ka arrimisa, sida ay masuuliyiinta hay’addani u sheegeen wadamada xubnaha ka ah hay’addan Arbacadi.

Warbixintan oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegay in natiijada ka soo baxday baadhis qorshaysnayd sannadkii hore, hase ahaatee dib loogu dhigay arrimo dhinaca ammaanka ah, in la sameeyey maalintii Salaasada, sida lagu sheegay warbixinta sirta ah, ee uu diyaariyey madaxa hay’adda tamarta nukliyeerka ee caalamiga ah ee IAEA Rafeal Grossi.

Baadhayaasha IAEA ayaa ogaaday in 10 foosto oo ay ku jiraan ku dhowaad 2.5 ton oo uranium dabiici ah, oo hore ay u shaacisay dawladda Liibiya, oo goobtaas lagu kaydiyey, in haatan laga waayey meeshii lagu ogaa. sida lagu sheegay warbixintan halka bog ahayd.

Hay’adda ayaa samayn doonta baadhitaan dheeraad ah oo ku aaddan xaaladaha keenay in meeshaas laga qaado Uranium-ta, hase ahaatee may sheegin cidda qaadday ama meesha la geeyey.

Hay’adda ayaa sheegtay in walxahan la qaatay ee la xidhiidha arrimaha nukliyeerku, inay wataan khatar shucaac ah iyo weliba walaac kale oo la xidhiidha ammaanka hubka nukliyeerka.

Sannadkii 2003, waxaa dalka Liibiya uu ku dhawaaqay inuu ka hadhay damaciisii ku aaddanaa hubka nukliyeerka, isaga oo xilligaas horumariyey qalab kobcin kara Uraniumka iyo sidoo kale naqshadaynta macluumaadka bamka nukliyeerka, hase ahaatee horumar kooban ayay ka sameeyeen dhinaca samaysasha hubka nukliyeerka.

Liibiya ayaa ku jirtay xaalad ammaan daro ah, tan iyo sannadkii 2011, xilligaas oo xilka lagaga tuuray kacdooni ay dabada ka riixaysay NATO.