Wafti ka socda Hogaanka Sare ee xisbiga waddani oo u xadhko xidhay sidii ay bulshada ay ugu wacyigalin lahaayeen qaadashada kaadhka Codbixiyayaasha.
Waftigan oo iskugu jiray Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Abuubakar cabdiraxmaan good,Wasiirkii hore wasaarada Beeraha SL Axmed muumin seed kana mid ahaa Aasaasayaasha Xisbiga,
Gudoomiyaha garabka dhalinyarada Abdirashiid Cabdi Jaamac,
iyo Xoghayaha abaabulka Xisbiga ee gobolka awdal Abdiqani Sh Maxamed
ayaa waxay kormeer ku soo mareen goobaha ay ka socoto kaadh qaadashadu ee kuyaala Xunta Ardaale,Xarunta sh, Cismaan, iyo Xarunta Cuqabad,
kuwaasi bulshada ku wacyigalinayay qaadashada kaadha iyo sidii ay dadka kale ay u sii gaadhsiinlahayeen Qaadashada kaadhka Codbixiyayaasha.