Wasiirka Khaarajiga oo Qaabilay Danjireyaal Badan oo ka Socday Caalamka

Hargeysa(Qaran news) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xafiiska ku qaabiley 7 ka mida safiirada Somaliland ujooga wadamada ay xidhiidhka saaxiibtinimo ka dhaxeeyo.

Kulanka wasiirku la yeeshay safiirada waxa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Siciid Axmed Cabdikariin.

Safiiraddan ayaa JSL u fadhiya wadamadda kala duwan ee dunida, kuwaas oo ku sugan dalalk, Ingiriiska 🇬🇧, Maraykanka 🇺🇸, Canada 🇨🇦, Turkiga 🇹🇷, Norway 🇳🇴, Sweden 🇸🇪, Taiwan 🇹🇼, iyo Koonfurta Suudaan 🇸🇸,.

Sidoo kale waxa kulanka ka qayb galay Ergeyga JSL u qaabilsan wada-hadaladda Somaliland iyo Somaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Ergayga JSL u qaabilsan Ururka ay ku midoobeen wadamadda Qaaradda Afrika ee AU iyo Urur-goboleedka IGAD Mudane Safiir Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

Ujeedadda kulankan ayaa ahayd mid lagu kala warqaadanayay warbixin la xidhiidha xaalada guud ee dalka.

Gaba-gabadii wasiirka ayaa ka codsaday safiirada xoojinta xidhiidhka wada shaqeyd ee wasaaradda iyo wadamada ay joogaan.