Wasiirka Khaarajiga oo Qaabilay Danjireyaal Badan oo ka Socday Caalamka
Hargeysa(Qaran news) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa xafiiska ku qaabiley 7 ka mida safiirada Somaliland ujooga wadamada ay xidhiidhka saaxiibtinimo ka dhaxeeyo.
Kulanka wasiirku la yeeshay safiirada waxa ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Mudane Siciid Axmed Cabdikariin.
Safiiraddan ayaa JSL u fadhiya wadamadda kala duwan ee dunida, kuwaas oo ku sugan dalalk, Ingiriiska ๐ฌ๐ง, Maraykanka ๐บ๐ธ, Canada ๐จ๐ฆ, Turkiga ๐น๐ท, Norway ๐ณ๐ด, Sweden ๐ธ๐ช, Taiwan ๐น๐ผ, iyo Koonfurta Suudaan ๐ธ๐ธ,.
Sidoo kale waxa kulanka ka qayb galay Ergeyga JSL u qaabilsan wada-hadaladda Somaliland iyo Somaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil iyo Ergayga JSL u qaabilsan Ururka ay ku midoobeen wadamadda Qaaradda Afrika ee AU iyo Urur-goboleedka IGAD Mudane Safiir Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
Ujeedadda kulankan ayaa ahayd mid lagu kala warqaadanayay warbixin la xidhiidha xaalada guud ee dalka.
Gaba-gabadii wasiirka ayaa ka codsaday safiirada xoojinta xidhiidhka wada shaqeyd ee wasaaradda iyo wadamada ay joogaan.





