Ra’yul-caamka Burco oo Walaac ka Muujiyay Hoggaaminta Madaxweyne Muuse

Burco(Qaran news)- Ra’yul caamka bulshada Burco ayaa sheegay in socdaalka madaxweyne Muuse Biixi ku imanayo magaaladaasi aanay wax macno ah u lahayn gobolka Togdheer iyo Somaliland.

Qaar ka mid ah bulshada oo warbaahinta uga warramay dareenkooda ayaa sheegay in aanu safarka madaxweynuhu waxba soo kordhinayn xilli uu dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo jabhado ka sameysmeen isla markaana ay magaalada Laascaanood faraha ka baxday.

Waxa dadweynaha Burco ay ku doodeen in madaxweynaha looga baahan yahay inuu la yimaado caqli iyo qorshe xal ku dhisan oo lagu badbaadin karo mustaqbalka Somaliland oo ay tilmaameen inuu jar ka sii dhacayo.

Sidoo kale waxa ay dadweynuhu tilmaameen in shirweynaha KULMIYE wax saamayn ah lahayn maadaama oo xisbigu lahayn burji iyo boqor hoggaamiya.

Reer Burco waxay madaxweynaha uga digeen haddii aanu wax ka beddelin siyaasadiisa oo aanu ku soo noqon sharciyada in dalku kala tagi doono oo gobolba gaarkiisa u tashan doono.