Maayarka Caasimada oo Sheegay inuu la Yaabay Sababta KULMIYE ugu darsadeen Golaha Dhexe

Hargeysa(Qaran news)- Maayirka Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge ayaa shaaciyay in aanu ka tirsanayn xisbiga KULMIYE, isla markaana aanu doonayn in uu dhexgalo siyaasadda.

Maayar Mooge wuxuu sheegay inuu la yaabaycin xisbiga KULMIYE laba jeer iska xaadiriyaan qof aan ku jirin xisbigooda.

Maayarku wuxuu intaas ku daray inuu wakhti iyo culay geliyo shaqadii loo doortay ee horumarinta Hargeysa.

Maayarka oo u warramayey Galaydh Media, wuxuu sheegay inuu ka tirsan yahay xisbiga WADDANI balse aanu wakhti gelinin inuu ka shaqeeyo xisbigaas.

Cabdikariim Axmed Mooge wuxuu tilmaamay haddii uu xisbi geliyo in dhaqdhaqaaqiisa laga dareemi lahaa, hase ahaatee aanu ahayn qof si fudud xisbi ugu biiri kara.