Urur Siyaasadeedyada Somaliland oo ku Baaqay in la is Garab Taago Ciidamada Qaranka

Hargeysa(Qaran news)-Qaar ka mida guddoomiyayaasha urur-siyaasada Somaliland ayaa bulshada ugu baaqay in Ciidamada Qaranka la garab istaago.
Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Barwaaqo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa sheegay in dagaalka Laascaanood ka codsada uu yahay duulaan dibedda lagaga soo qaaday JSL, kaas oo la doonayo in lagu majaxaabiyo jiritaanka Qarannimada Somaliland.

Waxaanu dhallinyarada buurta Gacan-libaax gashay ka codsaday in ay nabada qaataan Qarankooda u hiiliyaan, waxaanu xukuumadda Somaliland ka codsaday in baadhitaan qoto dheer lagu sameeyo dhacdadii shalay.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka KAAH Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa bulshada JSL, ugu baaqay inay ciidanka Qaranka isgarab taagaan, hilow iyo kalgacal la garab istaagaan oo ay taakuleeyaan, waxa uu intaas ku daray in ka urur ahaan ay jecel yihiin in bulshada horumarkeeda, walaalnimadeena isku duubnideeda la xoojiyo.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Horseed Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in loo midoobo xaalada hadda dalku ku jiro.

Sidoo kale waxa uu soojeediyay in meel looga soowada jeesto sidii loo difaacilahaa Qarannimada JSL.