Hargeysa(Qaran news)- Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in aanay Somaliland dawlad sii ahaanayn haddii aanay ku jirin Sool.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in Somaliland gobolka Sool iyo Xuduudaha dalka ku gaadhay caqli iyo maskax.

Xoghaye Khadar Xuseen wuxuu sheegay in dagaal dambe aanu xal keenayn, hase ahaatee uu Somaliland u horseedayo khasaare siyaasadeed iyo mid bulsho, wuxuuna sheegay in xoogii la adeegsaday uu horseeday in Somaliland dib ugu soo noqoto halkii ciidanka Qaranku ka dhaqaaqay 2002dii.

Xoghaye Khadar wuxuu ku dhaliilay Xukuumadda in aanay xal ku dayin markii bishii December ay Laascaanood ka bilaabmeen mudaharaadyadii shacbigu kaga soo horjeedeen dilalkii khaarajinta ahaa.