Mudaharaad Lagaga soo Horjeeday Puntland oo ka Dhacay Laascaanood
Laascaanood ,(Qaran news)- Dadweynaha reer Laascaanood ee dhawaan ku soo noqday magaaladaas ayaa galabta ka dhigay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan in maamulka la baxay SSC-Khaatumo ay ku biirto maamulka Garoowe.
Mudaharaadkan ayey dadweynuhu ku dhawaaqayeen hal ku dhegyo ay kaga soo horjeedaan Puntland oo u ololaynaysa in shacabka reer Sool ay si buuxda uga mid noqdaan Puntland, maadaama oo 15 sanno ka hor ay Somaliland ka qabsatay Puntland.
Dadka mudaharaadayey ayaa jarjaray calanka maamul goboleedka Puntland, iyaga oo dab qabadsiiyay waxayna ku dhawaaqayeen in SSC-Khaatumo ay noqoto maamul madaxbannaan oo aan iskii u taagan.
Huwanta Laascaanood ayaa sheegtay maamul gaar ah oo hoos tagay dawladda fedaraalka Soomaaliya, hase ahaatee dawladda Xasan Sheekh ayaa iska fogaysay oo ugu baaqday inay wadahadal colaada lagu soo afjaro ay la yeeshaan Xukuumadda Somaliland.