Rasaas xoogle oo ka Dhacday caawa Ceerigaabo iyo Asbaabaha keenay

Ceerigaabo(Qaran news)- Rasaas xoogle ayaa ka dhacaysa caawa magaalada Ceerigaabo, kadib markii kooxo taageersan huwanta Laascaanood ay ka gadoodeen niman magaalada Khamriga keena oo ciidamada Boolisku maanta xidheen.

Rasaastan ayaa la sheegay inay isku ridayaan ciidamada booliska iyo koox hubaysan oo foodsaaro ka dhiganaya in la xidhay niman reerkooda ah.

Ma jiro wax khasaare ah oo ilaa kmika la xaqiijiyay, hase ahaatee waxa la sheegay xabado sii kordhaya laga maqlayey magaalada oo dhan.

Wixii Dhacdadaa ka soo kordha waxaanu idiinku soi gudbin doonaa halkan.

Dhanka kalena waxa ay xukuumadda Somaliland isla caawaba magaalada Ceerigaabo ku saartay ciidan xoogan oo laga soo dhaqaajiyay laba aag oo aan halkaasi ka fogayn, waxana ay xukuumaddu sheegaysaa in magaalada si dhakhso ah loogu soo celin doono kala danbayntii iyo amnigeedii

Xiligani ayaa duqa magaaladda Ceerigaabo uu hawlo shaqo ah u joogaa magaalada Hargaysa.