Badhasaabka Sanaag oo Jawaab ka Bixiyay Hadal ka soo Yeedhay Axmed Karaash
Ceerigaabo(Qaran news)- Badhasaabka Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay in shacbiga gobolku ka digtoonaadaan hadalka fidmo abuurka ah ee ka soo yeedhay Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash.
Badhasaabku wuxuu sheegay in Axmed Karaash isagoo aan reer Ceerigaabo ahayn uu doonayo inuu iska horkeeno bulshada walaalaha ah ee reer Sanaag oo ka wada shaqeynaya ilaslinta amniga guud ee deegaannada gobolka Sanaag.
Badhasaab Axmed Cabi Muuse wuxuu sheegay in deegaanka Dhabar-mubac oo ka tirsan degmada Ceel Afweyn lagu dilay wiil yar oo 14 jir ah. Waxaanu tilmaamay in tallaabo dawladeed laga qaadi doono ciddii falkaas foosha xun geysatay.
Badhasaabku wuxuu u mahadceliyay ciidanka Qaranka oo sugay ammaanka Ceerigaabo ee dhawaan dableyda hubaysan rabshadaha ka rideen.