Cali Guray oo ka Hadlay Baahiyaha Garooneed ee Hargeysa
Hargeysa (Qaran news)-Siyaasiga Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa su’aal ka keenay in dawladda hoose Hargeysa lagala wareegay dhulkii danta guud.
Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu qoray galabta oo u dhignaa sidan:-
“Garoonkii dhalinta kacaanka in lagu beddelo garoon cusub oo la yidhaa Garoonka degmada Ibraahim Koodbuur Aniga la iima diidin.
Sideeda Degmo ee Hargeysa mid walba dhalinyaradoodu waxay xaq u leeyihiin ugu yaraan laba garoon io mid yahay Kubbadda Cagta Midna Kubadaha Kollayga iyo laliska.
Ma dhul baa loo waayay Dawladda Hoose maxay qorshaha danta guud ugu dari wayday? mise qorshihii dhulkaba waa lagala wareegay oo waxa keliya ee lagu soo reebay waa dhismaha Laamiyada inta awoodi karta?”