Dawladdaha Soomaaliya iyo Somaliland oo Gaashaanka ku Dhufatay Damaca Badda ee Itoobiya

Hargeysa(Qaran news)- Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay dalab uga yimi Ra’iisul-wasaraha Itoobiya oo doonayey in meel laga siiyo badda cas.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ay u sheegeen in aanay meeli uga banaanayn oo uu ka noqdo damaciisa oo horseedi kara khilaaf iyo colaad hor leh.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyana arinkaasi uu Abi Ahmed ka soo hor jeedsatay uu bad kaga raadinaayo xeebaha bada cas

Wasiirada Gaashaandhiga iyo warfaafinta ayaa qoraalo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in Sayay tahay Somaliland oo taladeeda ay iyagu leeyihiin isla markaasina ayna dalkale ku soo xadgubi karin.

Sidoo kale shicibka reer Somaliland iyo xildhibaano badan oo katirsan golayaasha Somaliland ayaa aad u naqdiyay qudbadii Abi Axmed waxana ay sheegeen in sinaba Itoobiya dalkoida ugu soo xadgubi karin.