Maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamaayay deegaanka Ceel-afweyn oo heshiis laga gaadhay

 

Hargeysa(Qaran news)- Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay in dableydii hubaysnayd ee labada ardaa ee wada dega Ceel Afweyn la gartay in labadaba lagu qarameeyo ciidanka Qaranka.

Badhasaabku wuxuu sidaas ku she
egay xaflad ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Cerl Afweyn, halkaasi oo lagu dhaarinayay waxgaradka labadii ardaa ee shaqaaqadu ku dhex martay isla markaana loo ksla qaaday kharashkii aaska.

Badhadaabka Sanaag wuxuu sheegay in shaqaaqada Ceel afweyn soo noqnoqotay iyadoo horena dhawr jeer heshiisyo loo gaadhay, wuxuuna ugu baaqay waxgaradka labada beelood inay fuliyaan heshiisyada nabadda ee la gaadhay.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay madaxdhaqameedka beelahaasi oo ballan qaaday inay fulinayaan heshiiska ay gaadheen, nabad iyo walaalnimana ay ku wada noolaanayaan.