Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland oo Kormeeray Madaarka Hargeysa

Hargaysa (Qaran news): Guddoomiyaha haayadda Dhawrista Tayadda Qaranka JSL Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa maanta soo kormeeray garroonka diyaaradaha caasimadda Hargaysa ee Cigaal Airport.

Kormeerkaasi ayaa guddoomiyuhu waxa uu ku soo indho indheeyay hanaanka baadhitaanadda badeecooyinka ee madaarka diyaaradaha Hargaysa.

Guddoomiiyaha iyo masuuliyiinta la socday waxay halkaa warbixinno ku siiyeen xubnaha wakiilka u ah hay’adda Dhawrista tayadda iyo sidoo kale madaxda garroonka diyaaradaha.