Wasiirka Gaashaan-dhigga oo Sheegay in Aanu Ogolayn in Itoobiya Timaado xeebaha Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Gaashaan-dhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa sheegay inuu is casilay oo aanu ogolayn in Itoobiya timaado xeebaha Somaliland.

Mr. Caateeye wuxuu sheegay in ay maanta arrinta heshiiska isku fahmi waayeen Madaxweyne Muuse Biixi, sidaas darteed uu goostay inuu xilka iskaga tago.

Isagoo u waramayay Horyaal TV, waxa uu tilmaamay in aanay xabashi oo ah cadawga koowaad ee Soomaalidu aanu iman karin Xeebta dalka,wuxuuna tilmaamay in Ra’iisulwasaaraha Itoobiya uu muddo dheer ku taamayey inuu qaato Saylac.

Waxaanu intaas ku daray in xogaha uu hayaa ay sheegayaan in aanay arrintu kiro ahayn ee la siiyay.

Sidoo kale, Wasiirkii Gaashaadhigu wuxuu tilmaamay in beesha Ciise uu ka soo jeedaa ay cad uga soo horjeedo wax uu ku tilmaamay in Xabashidu timaado xeebaha Saylac iyo Lughaya.